Arsenal oo £45 million barcelona uga iibineysa fabregas  | www.somalifootball.com

Published on January 4, 2011 by Farah mohamed Ali   ·   No Comments

Kooxda Arsenal ee wadanka Ingiriiska ayaa dhiggeeda wadanka Spaina ee Barcelona u sheegtay in haddii ay si dhab ah u doonayaaan saxiixa Kabtankooda Cesc Fabregas ay u soo xawilaan adduun lagaceed oo gaaraya £45 million oo Gini.
Tababaraha kooxda Arsenal – Arsene Wenger ayaa sheegay inay dalab kale ka heystaa tababaraha kooxda Real Jose Mourinho, sidaa daraadeed haddii Barcelona dib u ceshaneyso Fabregas ay bixiyaan qiimaha Arsenal ay dooneyso.

Laakiin Kooxda Barcelona oo raadineysa xalkii ay ku heli laheyd Fabregas ayaa laga soo xirgay inay  wada xaajood rasmi ah diyaarineyso, iyadoo  wada xaajoodkaas uu qeyb ka noqon doono kabtanka Xulka Argentina Javier Mascherano  oo boos joogta ah aan ka heysan garoonka Nou Camp iyo lacag aysan cadadeeda sheegin.
Guddoomiyaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa sheegay in weli wada xaajoodku uu furan yahay, wuxuuna sheegay in shaqsi ahaan uu u  arko qiimaha saxda ah ee lagu kala iibsan karo Fabregas  €40 million.

Kooxaha Barcelona iyo Real ayaa ciyaaryahanka aad u xiiseynaya, waxaana dhici karta in kooxda Barcelona ay dib u ceshato laacibkan, maadaama  Real weli ayna soo bandhigin lacagta ay ku dooneyso Fabregas.

Kooxda Juventus ayaa si wanaagsan ugaga faa’ideysatay guuldaradii ku dhacday kooxda AC Milan kadib markii ay ugaga badisey …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *