Warsaxaafadeed ku saabsan xasuuqa & duqeynta masaajidda

Adjust font size:
Decrease fontWARSAXAAFADEED KU SAABSAN XASUUQA & DUQEYNTA MASAAJIDDA

               

Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya (ARS) waxa uu cambaareynayaa duqeynta iyo xasuuqa joogtada noqotay ee ay ciidamada Ethiopia ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda oo ay ugu dambeysay duqeynta ay u geysteen suuqa weyn ee bakaaraha iyagoo la beegsanya goobaha ganacsiga , masaajidada iyo meelaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin.            ARS waxa uga tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka gaaraya 10ka eek u shahiiday falkaasi bahalnimada ah waxa uuna Allah uga baryayaa in uu jannadiisii ka waraabiyo, inta ku dhaawacantay ee 25ka kor u dhaafeysana caafimaad degdeg ah siiyo.            ARS waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan meelna uga soo wada jeestaan sidii loo so oaf-jari lahaa hagardaamda cadawga loogana xoreyn lahaa dalka.

ARS waxa uu beesha caalamka iyo inta danaysa arrimaha Soomaaliya u sheegayaa in xalka Soomaaliya iyo xasiloonidiisaba ay ku jirto in dalka gebi ahaaba laga saaro ciidamda gumeysiga lagulana xisaabtamo fal-dambiyeetka ay ka geysteen dalka Soomaaliyeed

Ugu dambeyntii ARS waxa uu hay’adaha samafalka ugu baaqayaa inay garaar la soo gaaraan dadweynaha ku waxyeelllobay duullaanka gardarada ah ee ciidamada cadawgu dalka ku qabsadeen iyo xasuuqyada iyo barakicinta ka dhacalay duullaankaasi. Xafiiska Warfaafinta ee ARSJabuuti,21/08/2008.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *